Turkiga oo Swedan ka dalbatay in looso gacangaliyo siyaasiyiin ay baadi goobeyso

Isniin: June 6, 2022

Dawladda Turkiga ayaa ku celisay shuruudo adag oo ay ku xirtay inay ogolaato in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO. 

Xukumadda Ankara ayaa doonaysa in Stockholm ay u soo gacan geliso weriyayaal, xubno siyaasiyiin ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo ay dowladdu ku eedaynayso inay taageersanyihiin Jabhadda Kurdiyiinta oo uu Turkigu u arko koox argagixiso ah.

Dadka uu Turkigu doonayo in loo soo gacan geliyo waxaa ka mid ah, Amineh Kakabaveh, oo xubin ka ah baarlamanka Sweden.

Office Nairobi Kenya