Biyo dhaamis laga bilaabay degmada Ceelwaaq kadib Jaaliyada Deegaankaas oo lacago soo dirtay

8-da Marso 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo oo sheegaya in Deegaano ka mid ah halkaas laga bilaabay biyo dhaamin Xoogan

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in meelaha ugu daran oo ay abaartu ka jirto laga sameynayo biyo dhaamis kadib markii qaar ka mid ah jaaliyadaha gobalkaas ee dibadda ay lacago soo direen.

Wararka ayaa sheegaya in si dadka loo badbaadiyo xili lagu soo warramayo in carruur ay harraad ugu dhinteen deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolkaas.

Sidoo kale Abaarta ka taagan gobolka Gedo ayaa yeelatay saameyn xoogan, sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya halkaas ay sheegayaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya