Universal TV oo laga mamnuucay Maamulka Hirshabeele

Muqdisho | QOL | may  04, 2017 — Maamulka Hirshabeele Ayaa Deegaanadiisa Ka Mamnuucay Tv-ga Universal Oo Ka Mid Tv-yada Ugu Caansan Warbaahinta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtoyada Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar  ayaa sheegay in war been abuur ah uu ka faafiyay taleefishinka Universal kaa soo ahaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uu qaadacay ka qeybgalka shirka London ka dhacaya 11-ka bishaan May ee 2017 ka kaasi oo loogu hadlaayo arrimaha Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in wakiilka wareedka Tv-ga ee Magaalada Jowhar weriye Ismaaciil Cabdulle Sabriye loogu digay in uu joojiyo wararka been abuurka ee uu baahiyo balse uu ka dhaga adeegay wariyaha sidaasna lagu xirey Tv-ga iyo wariyaha.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *