Madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay doorashada sanadka 2016, wuxuuna ku taliyay in Madaxda Maamul goboleedyada iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka inay danahooda gaarka ah ka hormariyaan danta Qaranka Soomaaliyeed. Shirka Wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016 ayaa maanta la soo gaba gabeeynayaa, waxaana loo maleeynayaa in wada tashi loo aado gobolada, isla markaana laga doodo qaabka ugu wanaagsan ee doorasho ugu dhici karto Soomaaliya sanadka 2016, in kastoo taasi ay dhib badan keeni-doonto.
.
———————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
