Wafdi uu Hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasarada Warfaafinta oo Gaaray khartoum

Muqdisho, 15 October 2015 –Waxaa habeenimadii xalay gaaray xili saqdhaxa ah magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan  wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guuud ee wasaarada warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cali Yusuf  Bahlaawi, agaasimaha Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Sonna iyo madaxa shaqaalaha ee isla Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

markii ay gaareen khartoum waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxda safaarada soomaliyeed ee dalka sudan uu hogaaminayay lataliyaha koowaad ee safaarada soomaliyeed ee dalka sudan ahna Qunsulka safarada u Qeebsanhaa Warfaafinta ee safarada madaxda jaaliyada iyo qaar ka mid ah  aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku sugan dalkaaasi sudan

Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah u qebsanaha warfaafinta ee safaarada soomaaliya ee dalka sudan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in wafdigan ay joogi doonaan mudo todobaad ah isagoo cadeeyay in imaatinkoodu uu yahay sidii loo adkeen lahaa xiriirka  2da wasaaradood

Waa markii ugu horeysay oo uu booqasho rasmi ah ku yimaado agaasimaha guud ee wasarada warfaafinta dowlada soomaliya Cabdirisaaq Cali yusuf Bahlaawi isaga iyo xubnaha la socdayba.

51 24

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *