Dab ka kacay madarasad diinta lagu barto oo ku taala Hargeysa arday dhaawacyo ka soo gaaren

8-da Marso 2021

Ku dhawaad 50 ardey oo wax ka dhiganeysay ayaa dhaawacyo kasoo gaareenmadarasad diinta lagu barto oo dab qabsaday isla markaana ku taalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka dabdamiska oo u gurmaday ayaa soo badbaadiyay ilaa laba boqol iyo konton arday oo ku xanibmay gudaha fasalada ay wax ku baranayeen.

Dhaawacyada ardayda soo gaadhay ayaa cisbitaalka loola cararay si halkaa loogu dabiibo.

Sidoo kale Ilaa hadda lama ogo sababta ka dambeysay dabka ka kacay madarasada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya