Natiijo horudhac ah oo kasoo baxeysa baarista dhacdadii Gololeey

Mogadisho | QOL |  June 1, 2020–Degmada Balcad waxaa ka socda kulamo kala duwan oo la xiriira sidii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay dilkii deegaanka Gololeey dhawaan loogu geystay 8 Dhalinyaro ahaa oo 7 kamid ah ka howlgalayay Xarun MCH oo ku taalla deegaankaas.

Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi ee uu u xilsaaray baaritaanka dhacdadaas iyo maamulka degmada ayaa waxaa ay wadaan howlo baaritaano ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo la hadlay Risaala ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanada,isla markaana dhawaan baaritaano horudhac ah ay soo bandhigi doonaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *