Taliska Booliska G/Bari oo ka shiray joojinta jaadka

Mogadisho | QOL | April 19 2020–Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa Degaano ka tirsan Gobalka Bari  waxaa uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Odayaasha Dhaqanka Iyo Culimada,isaga oo kala hadlaya sidii looga joojin lahaa in la keeno jaadka (Qaadka) si dhuumaaleysi ahna loo soo galiyo Deeganadaaas.

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Xuseen Cali Maxamuud  ayaa u mahad celiyay Dadka degaanada iyo Gobolada uu kulamada la qaatay,isaga oo sheegay inay waajib ku tahay joojinta jaadka inay doorweyn ku yeesheen.

 

Sidoo kale taliyaha ayaa digniin u direy dadka sida qarsoodiga ah deegaannada Gobolks Bari kusoo gelinaya jaadka oo loo joojiyey sababo la xiriira Cudurka Coronavirus,isaga oo sheegay in qofkii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono.

 

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa dhowr jeer waxaa ay Goob fagaaro ah oo ku yaalla Gobolka Bari ku gubeen jaad farabadan oo ay howlgallo ku qabteen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *