Muqdisho | QOL | February 18, 2020 –Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta la kulmay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo.
Guddiga ayaa madaxwaynaha kala hadlay sharciga doorashooyinka Qaranka oo dhawaan ay soo ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo haatan sugaayo saxiixa madaxwaynaha JFS.
Sidoo kale Guddiga ayaa madaxwaynaha ka codsaday in la dadajiyo ansixinta wax ka badalka sharciga xisbiyada oo Barlamaanka horyaallo, ansixintaasoo guddiga ay muhiim u arkaan si labada sharci ay iskula jaanqadaan madaama ay yihiin sharciya isa saamaynaa.
Shalay ayay aheyd markii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayla kulmeen Guddiga ku meelgaaarka ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka,iyada oo kulanka labada Guddi diiradda lagu saaray talo is dhaafsi ku aaddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
