Masuuliyiintii Xisbiga Wadani oo Xabsiga laga sii daayay

Muqdisho | QOL | Nofeembar 27- 2019 –Ciidanka booliska Somaliland ayaa xabsiga kasii daayay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani oo dhawaan la xiray ka dib Banaanbax ay ku baaqeen.

Booliska Somaliland ayaa Caawa xabsiga ka siideysay xoghayihii guud ee xisbiga waddani Khadar Xuseen, Afhayeenkii xisbiga waddani Barkhad Jamac iyo Cabdi Ibraahim (Ilameereyso).

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa soo dhaweeyay soo deynta masuuliyiinta xisbiga Wadani.

Xiisad ayaa ka Dhalatay dhawaan guddiga Doorashooyinka Somaliland oo xisbiyadda Mucaaradka ah ay diideen.

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *