SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo qaabilay guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ee maanta doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

 

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

 

 

 

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka  Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *