Koox xalay weerartay Xaruun Turkiga ku leeyahay Muqdisho

turkiga-

Muqdisho, 05 January 2016: Koox hubaysan ayaa Xalay Weerar ku qaadey Xarun Turkiga ku leeyahay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Sida la sheegay hal qof oo kamid ah kuwa weerarka qaadey ayaa la xaiijiyay inuu ku dhintay, mid kalena ku dhaawacmay rasaastii ay is dhaafsadeen Ilaalada Xarunta iyo Kooxda hubaysan oo la socday Gaari Nooca Raaxadda ah. Dadka Deegaanka ayaa u sheegay in Xalay saqdo dhexe, kusoo tooseen rasaas xooggan oo ka dhacaysa xarunta Turkiga, iyadoo waqti kooban kadib, ay baxsadeen kuwii weeraray Shaqaalaha Turkiga.

Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo sameeyay howlgallo. Shaqaalaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay noqdeen Bartilmaameedka kooxo hubeaysan oo an weli garaneeyn.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *