Sarkaal loo Maleeyay in uu Ka Tirsanaa Hay’adda NISA Oo Maanta la Dilay

Muqdisho, 21 December 2015: Rag hubaysan oo watay Gaari ayaa Galabta ku dilay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon Nin la sheegay inuu kamid ahaa Hay’adda NISA.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Xaaji Maxa’ed Xirsi Masale ayaa u geeriyooday kadib markii Gaarigiisa oo ka yimid dhanka Tarabuunka lagu rasaaseeyay meel an ka fogeeyn Carwadii hore ee Taleex.

Kooxda Dilka fulisay ayaa ku baxsaday Gaarigii ay la socdeen, iyadoo Marxuum C/risaaq Xaaji Maxa’ed Xirsi Masale Gaarigiisa dhexdiisa nafta uga baxday kadib markii Rasaas badan ay uga dhacday Madaxa iyo qaarka kore.

Warar gadaal dambe soo baxay ayaa sheegaya in C/risaaq Xaaji Masalle usan ka tirsaneeyn Hay’ada NISA, balse sabati loo dilay weli ma cada.

g31

g22

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *