Kalluumeysato U Dhalatay Hindiya Oo La Sii Daayey

Muqdisho | QOL |  Abriil 23, 2019 –Dowladda Pakistan waxay shalay oodda ka qaaday in ka badan 100 Kalluumeysato Hindi ah, kuwaasi oo la qabtay, xilli ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xuduud-baddeedka Pakistan.

Sii-dayntooda ayaa lagu micneeyey Niyad Wanaajin, waxaana Kalluumeysatada lagu wareejiyey Mas’uuliyiinta Hindida ee ku sugan goobta laga tallaabo Xuduudka ee Wagha ee u dhexeysa labada Waddan.

Idaacadda Express News ayaa sheegtay in Kalluumeytadaasi la sii daayey ay yihiin qeybtii 3-aad ee Kalluumeystada Hindiya ee bishan laga sii daayey Xabsiyadda dalka Pakistan.

Bilowgii bishan, Dowladda Pakistan waxay ku dhawaaqday in la sii dayn doono 355 Kalluumeysato Hindi ah iyo 5 Maxaabiis, kuwaasi oo dhamaystay xabsigi ilagu xukumay.

 

Kalluumeysatada Hindida ee ku harsan Xabsiyadda Pakistan waxaa la filayaa in la sii daayo bishan April 29-da.

Tallabadaasi waxaa soo dhaweeyey dadka u ololeeya Nabadda, iyadoo ay dalalka Pakistan iyo Hindiya bsihii Feberaayo isweydaarsadeen duqeyn dhanka cirka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *