Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Beesha Caalamka

Mogdishu | QOL | Febaraayo 26, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi kasocday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh ayaa Madaxweynahu uu kala hadlay sidii la isoogu xidhi lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markana ay u noqon lahayeen kuwo siman oo wax tar leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *