Sawirro:-Amar Ka Soo Baxay Madaxweyne Xaaf Oo Dhaqan Galay

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug  Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Maanta booqday waaxda dhul bixinta Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo.

Amar kasoo baxay dhawaan Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa Dawladda Hoose lagu furay in ay si dhaqso leh ku bilaabaan sharciyeenta dhulalka iyo dhismayaasha Magaalada Gaalkacyo oo aysan hada kadib jiri doonin cid meel aysan laheyn iska sheegata

Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta bilaabay qaadasha waraaqda lahaanshe dhul kaas oo si toos ah ay ugu sharciyeeyeen waaxda dhul bixinta ee Dawladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo waxa uuna shacabka reer Gaalkacyo uu ugu baaqay in ay dhulalkooda sharciyeestaan si hadii isqabsi u yimaado sharciga loogu kala baxo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *