Sawirro:-Nin Afduubtay Diyaarad Ku Sii Jeeday Dubai Oo La Dilay

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Kumaandooska dalka Bangaladesh waxay toogteen mid ka mid ah Rakaab la socday Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, kaasi oo hubeysnaa, kuna hanjabay inuu qarxinayo Diyaaradda.

Saraakiisha ayaa sheegay inuu Ninkaasi oo ku hubeysnaa Bistoolad uu afduubtay Diyaarad ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha Bangaladesh ee Biman Airlines, taasi oo xilligaasi ka kici lahayd Garoonka Caalamiga ee Shah Amanat International Airport oo ku yaalla Degmadda  Jitagong ee K/bari ee dalkaasi.

Dhamaan Shaqaalihii iyo 142-kii rakaab ee la socotay Diyaaradaasi waa la soo badbaadiyey, iyadoo Afduubaha la dilay u sheegay Duulliyihii inuu doonayo inuu la kulmo Haweeneyda Ra’isul-wasaraaha ka ah Bangaladesh, Sheekha Xasiina.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *