NISA oo howlgal hub lagu furtay ka fulisay Shabeellaha Hoose

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay Hub ay leeyihiin Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay Ciidanka Burburiyeen goobo Al-Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaad.

Howlgalkaan ayaa waxaa daba socday duqeyn lala eegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *