Milatariga Israel oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Iran

Muqdisho | QOL | January 21, 2019–Milatariga Israel ayaa weerarro ku qaaday saldhigyada Iran ay ku leedahay dalka Suuriya , weeraradda ayaa loo adeegsaday  duqeymo dhanka cirka ah sidda ay sheegtay warbaahinta dalka Suuriya.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in  ciidamada difaaca ee Suuriya ay burburiyeen in ka badan 30 gantaal oo ay soo rideen Ciidanka Israel.

Weerarka lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dimishiq ayaa waxaa ku dhintay afar Askari oo Suuriya ah, lix kalena waa ay dhaawacmeen, Maadaama saldhigga uu ku yaalla Meel u dhow Garoonka.

“Waxaan bilaabeynaa in aan ku dhufanno bartilmaameedyada Iran ee Quduuska ah ee dhulka Suuriya, waxaanu ugu digaynaa Ciidanka Suuriya in ay isku dayaan in ay waxyeello u geystaan ​​ciidamada Israel ” ayuu milatariga Israel ku yiri bayaan ay soo saareen Saakay.

Ciidamada Qudus  ayaa mas’uul ka ah howlgalladda Iran ee Suuriya, waxaana ay si weyn uga hortaggaan weeraradda Israel ee ku wajahan Suuriya

Iran waa taageeraha ugu weyn ee madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo ciidamadiisa ku sugan dagaalka muddo dheer socday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *