Tirada Saraakiisha Booliska ee xiran oo la shaaciyay

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Booliska Somaliya ayaa sheegay in Saraakiil badan ay u xiran yihiin fal dambiyeedo kala duwan oo ay ku kaceen.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa faahfaahiyay waxa uuna sheegay in inkabadan 30 saraakiil iyo saraakiil xigeenno iyo askar ay u xiran yihiin fal dambiyeedo kala nuuc ah.

Waxaa uu sheegay in ay wajihi doonaan baaritaano, dhawaana sharciga lasoo taagi doono, isagoona sheegay in uu ku jiro dadka u xiran uu kamid yahay taliyaha booliska degmada Wartanabada.

Waxaana uu ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagaan Saraakiisha amniga haddii ay arkaan, askari ka talaabay sharciga.

Taliska CID’da ayaa sidoo kale farriin u diray dhammaan Ciidamada qalabka sida oo uu sheegay in laga doonaayo in ay ka waan toobaan falalka la xariira Musuq maasuq.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *