Warysi :-Wasiir Oomaar Beeniyay Wararka Sheegayay In La Xiray

Muqdisho | QOL | Diseembar 22, 2018 –Warar lagu daabacay baraha internet-ka Saacadihii la soo dhaafay ayaa  sheegayay in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) xilli uu ku sunaa Xafiiskiisa lagala soo baxay,isla markaana la xiray.

Hayeeshee Wasiir ka oo Goordhow wareysi siiyay Shabakada Qaranimo Online  ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid  aan waxba ka jirin.

“Runtii aniga maanta iskadaayee xataa waligeey intaa dhashay leyma xirin,waana riwaayad si fiican loo jilay oo aan arkayay qoraalo dad lacago looga qaatay oo leygaga been sheegayay ayuu yiri wasiir Oomaar.

Saakay 8: 00 Subaxnimo ayuu sheegay in uu soo galay Goobtiisa Shaqada,isla markaan weli uu ku sugan yahay Xafiiskiisa  ee uu Shaqadiisa wato.

Warbaahinta ayuu sheegay in looga baahan yahay inay iska hubiyaan Wararka ay baahinayaan,sidoo kalena isaga aysan jirin xilligaan cid soo dacweysatay oo heysata.

Sidoo kale waxaa wax ka weeydiinay Warar maalmihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay ee ah in uu lacago lunsaday,waxana uu sheegay in qoraaladaas ay ahaayene kuwo la sameeyay Sanadkii 2014kii xilligaasna uusan isaga wasiir aheyn.

Hoos Ka Dhagayso

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *