Wafdi ka socda dowladda UK oo gaaray Hargeysa

Muqdisho | QOL | October 06, 2018 —Wasiiru-dawlaha Britain u qaabilsan Afrika iyo waddamada Barwaaqo Sooranka haweenayda lagu magacabo Harriet Baldwin, ayaa maanta  gaartay magaalada Hargeysa.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah xubno Sar Sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda UK.

Waxa ay la kulmaysaa madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire.

Waa Mas’uulkii ugu sareeyay ee ka socda dowladda Ingiriiska ee tagga Somaliland tan iyo Markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *