Maamulka KMG Ah Ee Furdada Canshuuraha Dekadda Muqdisho Oo La Dhaariyey

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maamule KMG ah u magacaabay Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho.

Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) ayaa loo magacaabay in uu noqdo Maamulaha cusub ee Kumeel gaar ka ah, isagoona isla maanta loo dhaariyay inuu shaqada si hufan u sii wado.

Dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya iyadoona maamulaha cusub uu si toos ah shaqada u guda galay.

maamulka-cusub-dekada-3 maamulka-cusub-dekada-2 maamulka-cusub-dekada-1

.

Xafiiska Qaranimo Online Muqdisho

_________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *