Kuuriyada Koonfureed oo mamnuucaysa 20,000 gawaarida BMW ah

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay wadooyinka dalkeeda ka mamnuucayso qiyaastii 20,000 oo ah nooc ka mid ah gawaarida BMW, ka dib markii uu dab ka kacay marar badan.

Mamnuucitaankan ayaa qaban doono gawaarida aan sida mutadawacnimada ah wali dib loogu celinin shirkadda BMW si loogu sameeyo baaritaan dhanka ammaanka ah.

Ku dhawaad 30 matoor oo gawarida shirkadda ah ayuu dab qabsaday sannadkan 2018ka, badan kooduna waa nooca 520d ee ay samayso shirkadda BMW.

BMW ayaa aad loo hadal hayay sannadkan ka dib markii ay codsadatay in dib loogu soo celiyo kumannaan gaari oo ay UK ku gaday, iyadoo cillado dhanka ammaanka ah ay jiraan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *