Haweeney Turkish oo taageerta reer Falastiin oo lagu maxkamadaynayo Yuhuudda

Muqdsiho | QOL | July 9, 2018 – Haweeneydaasi oo lagu magacaabo ERBU OZKAN waxaa shalay la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Quddus-ta La-haysto, iyadoo lagu eedeeynayo inay Boqolaal Dollar u gudbisay dadka Reer Falastiin.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay Haweeneydaasi oo 27-jir ah ay xiriir toos ah la leedahay  Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

Ebru Ozkan oo 27-jir ah waxaa bishii hore ee June 11-dii lagu qabtay  lagu qabtay xilli ay ka dhoofi lahayd Garoonka Diyaraadaha ee Ben Gurion airport oo ah kan ugu weyn Yuhuudda. Haweeneydaasi oo lagu magacaabo ERBU OZKAN waxaa shalay la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Quddus-ta La-haysto, iyadoo lagu eedeeynayo inay Boqolaal Dollar u gudbisay dadka Reer Falastiin.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay Haweeneydaasi oo 27-jir ah ay xiriir toos ah la leedahay  Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

Ebru Ozkan oo 27-jir ah waxaa bishii hore ee June 11-dii lagu qabtay  lagu qabtay xilli ay ka dhoofi lahayd Garoonka Diyaraadaha ee Ben Gurion airport oo ah kan ugu weyn Yuhuudda.

Hay’adda Ammaanka Gudaha Yuhuudda ee SHIN BEIT waxay sheegtay in Haweeneydaasi loo xiray iyadoo khatar ku ah Ammanaka Yuhuudda iyo inay xiriir la leedahay mid ka mid ah Kooxaha Mukhaawamadda ee Reer Falastiin, isla markaana ay u gudbisay bqolaal Dollar iyo Jarjarada lagu kaarikeeyo Mobayladda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hay’addda ma shaacinin Magaca Kooxda Falastiiniyiinta ee ay Haweeneydaasi la sheegay inay xiriir la leedahay, balse Warbaahinta Yuhuudda waxay baahisay inay Haweeneydaasi lacago u gudbin jirtay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

Kiiska Haweeneydaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad u dhexeysa Dowladda Turkiga iyo Yuhuudda, kadib, markii Danjirihii Yuhuudda u joogay Turkiga lagu amray inuu ka baxo Turkiga bishii May ee sannadkan sababo la xiriira Dibadbaxyadii Reer Falastiin ee ay Askarta Yuhuudda ku dileen Xuduudka Marinak Qasa.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Mevlut Kafusoglu  waxa uu dhawaan sheegay inay Maamulayaasha Yuhuudda kala xiriireen Kiiska Haweenyda Turkiga ee ku xiran yuhuudda.

Waxa uu ku baaqay in la soo gebagebeetyo Kiiskeeda oo uu ku tilmaamay dhibaato aan naxariis lahayn.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *