Gabar Weriye ah oo ka shaqaysa warbaahinta dawlada oo la dhaawacay

Muqdisho | QOL | June 28, 2018 – Warar aan Goordhow helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gabar Wariye ah oo ka Shaqeyneysay Warbaahinta Dowladda lagu dhaawacay Magalada Muqdisho.

Gabadha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Farxiyo Mire Maxamuud,waxana la sheegay in rag hubeysan ay laba xabadood ku dhufteen,isla markaana mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho loola cararay.

Gabadhan Wariyaha ah ayaa waxa ay ka howlgashaa Radiyaha iyo Tv-ga Qaranka Soomaaliya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *