Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay 1.5 Million oo dollar

Muqdisho | QOL | May 14, 2018 – Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa 1.5 Million oo Dollar kala wareegtay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, Si loogu gurmado dadka Fatahaada wabiga ay saameysay.

Lacagtaan ayaa horay dowladda Shiinaha ay u ballan qaaday Soomaaliya kadib markii ay Fatahaado ay ku dhufteen Magaalooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya sidda Beledweyne iyo Baardheere.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Shiinaha kaga mahadceliyay Lacagtaan ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed

Lacagtaan ayaa Wasiirka waxaa ku wareejiyay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

somalis-shiinaha1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *