Baarlamanka oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka saxaafadda

Muqdisho, November 09, 2015 – Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab dhowraha Baarlamanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in mudanayaasha baarlamanka ay kulanka maanta uga doodi doonaan hindise sharciyeedka saxaafadda, kaasoo maray aqrintii labaad.

Hindise sharciyeedka saxaafadda waxaa isku soo duba riday guddiga warfaafinta ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna maray aqrintii labaad, iyadoo maantana ay mudanayaashu ka doodi doonaan hindise sharciyeedkaasi saxaafadda.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *