Farmaajo Oo Warqadaha Danjirenimo Ka Guddoomay Safiirka Muritaaniya Ay U Soo Magacowday Soomaaliya

Muqdisho | QOL | March 27, 2018—Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.

Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane; Maxamed Walad Cabdicasiis  iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada Dal.

qqqaaaaa

44444

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *