Muqdisho | QOL | Agoosto 19, 2015 – Maanta oo kale waa sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay booqashadii 1aad ee Somalia uu ku yimid Reccep Tayyip Erdogan, taas oo lagu tilmaami karo mid horseeday is-bedel Muuqda iyo Horumar la taaban karo oo ay Somalia lugaha la gashay, waxay noqotay maalin ku weyn Taariikhda Somalia,
Waxaa furmay wejı cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ıyo Soomaaliya, waxaa is badelay muuqaalka dadka iyo guud ahaan dalka, waxaa kor u kacay hab nololeedka shacabka Soomaaliyeed taas oo noqotay isbedel muuqda oo la taaban karo.
Albaabka laga soo galo caasimada Soomaaliyeed ee ah gegida diyaaradah Muqdisho markii aad soo gaarto ayaad arkaysaa muuqaal madaar caalami ah oo soo jiidanaya indhahaaga, kuma eka ee wadooyinka isku xirayay magaalada iyo gegida diyaaradaha oo ahaa muuqaal naxdin leh ayaa helay dib u dhis, nadiifin iyo iftiin, waxaa dowlada Turkiga ee aanu walalaha nahay horseed ka noqotay horumarinta hanaanka caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska guud, siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada.
Waqtı dheer ayay qaadanaysaa in hal qormo lagu soo ban dhigo isbedelkii iyo horumarkıı la gaaray booqashadaas taariikhiga aheyd kadib, waxyaabaha aan la hilaami doonin waxaa ka mid ah kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah oo deeq wax barasho ka helay dalka Turkiga, dhismaha cibitaalada, iskuulada, wadooyinki iyo naleynta, biyaha, tayaynta ciidamada, taagerada dhaqaale iyo dhiirigelinta maalgashiga.










