Talyaaniga Oo Deeq Gaadiid ah ku wareejiyay Soomaaliya

Muqdisho | QOL | February 5, 2018 —Dowladda Talyaaniga ayaa labo gaadiidka Gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Booliska oo u uu guddoomay Wasiiraka Amniga Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow.

Dowladda Talyaaniga ayaa deeqdaan Gaadiidka Gaashaaman Soomaaliya u soo marsiisay Ururka Midowga Africa, waxaana looga gol leeyahay iney dowr muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, sida lagu sheegay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah u daneeya Arrimaha Soomaaliya kana taageerta Arrimaha Millitariga iyo dhinacyada iyo horumarineed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *