Sawiro:-Hub iyo Qaraxyo Lagu Soo qabtay howlgal Laga Sameeyay Boosaaso

Muqdisho | QOL | January 27, 2018 – Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Xabadaha Mootar 60 oo ay ku soo qabteen Howlgalo  Ciidamada ay ka fuliyeen Gudaha Magaalada Boosaaso.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobolka Bari Axmed Jaraale oo saxaafadda qeybteed Boosaaso kula hadlay ayaa sheegay in howlgalada ay sameeyeen sidoo kale ku soo qabteen dad badan , waxaase uu xusay in baaritaano ku socdaan lana tuhun san yahay. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dadka Shacabka ay ka qeyb qaateen howlgalkii lagu soo qabtay hubkaasi. Magaalada Boosaaso ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca Falal lidi ku ah Ammaanka.

 

 

2 1

3

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *