Ganacsato Afrikaan ah Oo La Sheegay In ay Imaan Doona Soomaaliya

Muqdisho | QOL | December 09, 2017 –Kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar ayaa Soomaaliya loo balan qaaday in ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dalka Masar ayaa la kulmay ganacsatada Afrikaanka ah iyo masuuliyiinta wadamada Afrika qaarkood, waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay hada u baahan tahay wadamo maalgashi ku sameeya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shirarkii ka dhacay dalka Masar intiisa badan loogu hadlay sidii Soomaaliya maalgashi loogu sameyn lahaa.

Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa ka furmay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha Afrika, waxaana dalka Masar ku sugan Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *