Masaajid Sunniyiin Iyo Shiico Leeyihiin Oo Lagu qarxiyay Afghanistan

Muqdisho | QOL | 21 October 2017 ––Ugu yaraan 60 Qof ayaa ku dhimatay labo weerar oo lagu kala qaaday labo Masaajid oo Muslimiinta Sunniyiinta iiyo Shiicada ay ku leeyihiin Dalka Afghanisytan sida ay shaaciyeen Booliska.

Weerarka 1aad waxaa uu ka dhacay Masaajid ay leeyihiin dadka Shiicada ah oo ku yaalla Magaalada Kabul ee Caasimadda Afghanistaan,halka midka labaad uu ka dhacay Masaajid ku yaalla Gobolka  Ghor,kaas oo ay leeyihiin Dadka Sunniyiinta ah.

Jen.Mohammad Salim Almas, oo ah Madaxa Hay’adda dambi baaritsa Dalka Afghanistan ayaa ka sheegay Kabul in weerarka uu ahaa mid argagixiso.

Jen.Alimast Momand oo ah Wasiirka amniga Gudaha Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerarka Kabul ay ku dhibteen 30 Qof,dhinaca kale weerarka Ghor ayaa isna waxaa ku dhintay 33 Qof.

Bartilmaameedka ayaa lagu sheegay in uu ahaa Abdul Ahed oo ah Taliye Malleeshiyo taabacsan Dowladda,waxaana isaga iyo 32 Qof oo kale ay ku dhinteen weerarkaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *