Ra’iisul Wasaaraha Kheyere Oo Ciidamada Dowlada Xalay Kulahadalay Goobtii Uu Qaraxu Ka Dhacay

Muqdisho | QOL | 16 October 2017 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

.1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *