Sarkaal ka tirsan DF Somalia oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho, 18 October 2015 – Warar mar dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in sarkaal u shaqeeya DF lagu toogtay magaalada Muqdisho, xaafada Nasteexa ee ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Ninkaan dhallinyarada ah oo ka tirsanaa Wasaarada Amniga ayaa lagu magaabi-jiray Ciise Beyle, wuxuuna u shaqa tegi-jiray Garoonka Adan Cade ee Muqdisho.

Ciise Bayle waxaa dilay kooxo ku hubaysan bustoolado isla mariina way ka baxsadeen goobta.

Baaritaan ayaa goobta ka socda in kastoo an la ogeeyn cidi ka dambeeysay dilkaas, mana ah marki ugu horreysay oo ay dilal ka dhacaan xaafada Wadajir

Wixi war ah oo nagu soo korho, kala soco Qaranimo On Line

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *