Mukhtaar Roobow oo ku biiraya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Wadaadka isku soo dhibay Dowladda Soomaaliya Mukhtaar Robow uu ku biiri doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Mukhtar Roobow ayaa shalay isku soo dhiibay maamulka Koofur galbeed iyo Xukuumada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka amniga Koofur galbeed oo wareysi siinaayay Qaranimo Online  ayaa shaaca ka qaaday in Roobow uu kamid ahaa aas aasayaashii Al-shabaab uuna qeyb ka noqon doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Mudane Cabdirisaaq Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka amniga Koofur Galbeed ayaa sheegay in Roobow uu haysto maleshiyaad badan uu kula dagaalami karo Al-shabaab

Sidooke Rooboow Ayaa Lagu wadaa In Uu Maanta Lakulmi Doono Madxweynaha Dalka Kalana Hadli Doon Sidii Loola Dagaalami Lahaa Al Shabaab

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *