Trump oo beddelay agaasimihii madaxtooyada

Muqdisho | QOL | July 29, 2017 –Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa John Kelly, oo haatan ah madaxa Waaxda Ammaanka Gudaha, u magacaabay inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada.

Wuxuu madaxweynuhu beddelay madaxii shaqaalaha, Reince Priebus, maalin kaddib markii agaasimaha cusub ee xiriirka Aqalka Cad uu ku eedeeyay inuu warbixin u gudbiyay warbaahinta.

Anthony Scaramucci ayaa sidoo kale ku tilmaayay Priebus inuu yahay nin wareersan.

Madaxweyne Trump ayaa magacaabiddan uga dhawaaqay bartiisa Twitter-ka. Wuxuuna madaxweynuhu Kelly ku tilmaamay inuu yahay qof wanaagsan oo si hufan waajibkiisa u guta.

Si kastaba, ninka beddelay Priebus, John Kelly, ayaa ah nin aad loo jecel yahay loona xushmeeyo. Xulashadiisa ayaa tusaale kale u ah sida madaxweyne Trump uu u doorbido inuu xilalka maamulka u magacaabo rag milatari ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *