Howlgalo Xoogan Oo Ominka Ka Soconayo Qayba Kamidah G/Gado

Muqdisho | QOL | 11 July 2017 —Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka bilowday degmooyin ka mid ah gobolka Gedo sida uu Qaranimo.com u xaqiijiyay Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Huufuud Ibraahim.

Waxaa uu sheegay in howlgalkaan ay si wadajir ah u bilaabeen Ciidamada dowladda iyo sidoo kale kuwa dowladda Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Howlgalkaan ayaa hadda ka socda degmada Baardheere iyo degaanada hoosyimaada, Waxaana Madaxa amniga gobolku uu sheegay in dhawaan ay ka saari doonaan Al-Shabaab degaanada ay ka jooggaan gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro iyo dilal qorsheysan , waxaa ay ka geystaan gobolka Gedo, waxaana Mas’uuliyiinta Jubbaland ay sheegaan in ay wax ka qabanayaan Arrintaasi .

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *