Qaabkii uu u dhacay qaraxii kooxda Al-Shabaab la beegsatay Degmada Wadajir !

Toronto | QOL | 20 06 2017 |  QARAXII KA DHACAY MAANTA XARUNTA DEGMADA WADAJIR .

Gaariga Homey-da ah ee Mooska siday ayaa waxaa qabtay Askari ka tirsan Ciidamada Munishiibiyada ee Canshuuraha qaada, Waxaana uu weydiiyay Canshuur?!!

Darawalka waday Gaariga is qarxiyay ayaa yiri “ Ma Moos ayaa la Canshuuraa”?
Askarigii ayaa ku jawaabay “ Maxaa loo canshuuri waayay”?

Kadib Darawalkii ayaa ku yiri na geey Sharciga haddii Moos Canshuur la iiga qaado waa la arkaaye.
Askarigii ayaa inta soo raacay Homey-dii u soo kaxeeyay dhanka Xarunta degmada isagoo u sheegayay Ciidamada kale in Gaarigaan ka leexdaan maadaama dacwo loo heysto.

Sidaas ayaana lagu gudbiyay Homeydii, waxaana u suura gashay in ay Homeydu gudaha u gasho Xarunta degmada Wadajir iyadoo islamarkiiba uu qaraxay Gaarigaas oo sidoo kale uu la socday Askariga soo kaxeeyay –

https://www.youtube.com/watch?v=-qCoFHiPcso&feature=youtu.be

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *