DAAWO SAWIRADA :-Madxweynah Maamulka K/Galabeed Oo Booqday Dadkii Shalay Ku Soo Dhawacamay Israsaasentii Ka Dhacaday Baydhaba

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 ——Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay Magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka koonfur Galbeed kuwaas oo lagu daweynayo Isbitaalka Gobolka Baay oo ku yaalla M/Baydhabo.

Booqashada ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Iyo Kuwa Maamulka koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa Kormeeray xaaladda caafimaad sida ay tahay dadkii ku dhaawacmay iska Xor imaadkii  ka dhacay magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay isagoo Warbaahinta la hadlayay in uu aad uga xun yahay wixii dhacay islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono.

 

eeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

p1

p3

p2

 

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *