Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka oo kormeeray xafiisyada wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dalka

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Wasiirka waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan  Daahir Cusmaan ayaa ku soo dhaweeyay wasaaradda Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka  Xukumadda faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo  halkaasi ka hadlay ayaa jeediyay ammaan la xiriirta Howsha wasiirka waxbarashada iyo Shaqaalihiisa u jeediyay Howlwadeennada wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda  Waxbarshada   Hidah iyo Taclinta sare  mudane  Cabdiraxmaan  Daahir Cusmaan ayaa sheegay in  ay ka go,aantay in Mashruuca iska wax u qabso ah ku dhisi doonaan wasaaradda waxbarashada.

Dhanka kale Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya  Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shir guddoomiyay kulan looga Hadlayay  dabgalkii shirkii ka dhacay magaalada london  iyo Waxyabihii looga hadlay shirkaasi.

1

2

8

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *