Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Saaka dhagax dhigay Wadda Sodonka

Muqdisho  | QOL | May 28, 2017 —— Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Goor dhow dhagax dhigay Jidka 30-ka oo lagu sameynaayo dib u dayactir, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay ka qeyb qaadanayso bilicda iyo sidoo kale xasilinta Caasimadda.

Waxaa uu bulshadda Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u istaagan dhismaha Wadooyinka Muqdisho.

Wadada Sodanka ayaa dhexmarta degmooyinka Hodan, Warta Nabadda , iyo Yaaqshiid.

Goobta Dhagax dhiga ayaa sidoo kale waxaa uu joogay Gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Taabid Cabdi Maxamed.

1-9 2-10 3-10 4-7 5-6

1 2 3

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *