Shirka London oo goordhow Furmay

Muqdisho | QOL | May  11, 2017 – Magaalada London ee Dalka Britain waxaa hadda ka furmay shirka looga hadlayo arimaha Somaliya,waxaana si wadajir ah shirka u furay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Raisul Wasaaraha Dalka Britain Theresa May.

Shirka waxaa ka qeybgalaya in kabadan 40-Dowladood iyo Hey’ado caalami ah,waxaana sido kale Madasha kusugan Madaxweynaha Maamul Goboleedyada Somaliya

Xubnaha madasha kusugna ayaa waxa ay kahadlayaan xaaladaha Somaliya iyo heerka nololeed ee iminka ka taagaan,mas’uuliyiinta ayaana soo jeedinaya  in lagarab istaago Dowlada Federalka Somaliya.

Qodobada ugu muhiisan ee laga hadlayo ayaa waxaa kamid ah arimaha Amniga ,Dowlad wanaaga iyo Dhaqaalaha.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *