Madxweyne Kuxigeenka Putland oo lacag ugu Deeqay Waddo laga Dhisayo degmada Buuhoodle

Muqdisho | QOL | May  06, 2017 —Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar, ayaa magaalada Buuhoodle xariga kaga jaray Mashaariic ay Puntland ka hirgalisay Buuhoolde.

Camay, ayaa sido kale lacag dhan Toban kun Oo Doolar ($10,000) ugu deeqay Waddo laga hirgalin doono Buuhoodle.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa soo dhoweeyay shir Isimada Dhulbahate ay dhowaan yeelan doonaan, wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay ku taageeraan wax kasta oo ay u baahan yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in shirku uusan ahayn shir Siyaasadeed ee uu yahay shir dhaqan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *