Shariif Xasan oo Amar Siiyay Sarakiisha Ciidamada amaanka ee Gobolka Baay

 Muqdisho | QOL | May  05, 2017 —Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Saraakiisha amaanka ku amray iney ka shaqeeyaan Xaqiijinta amaanka guud ee Gobolka Baay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Saraakiisha loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee uu usoo Magacaabay Gobolka Baay.

Shariif Xasan ayaa Saraakiisha amaanka u sheegay in lagula Xisaabtamayo amaanka guud ee Gobolka Baay isla markaana laga doonayo in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kasbado Kalsoonida Shacabka lagana wada shaqeeyo hormarinta iyo Nabadda Gobolka Baay.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Khamiistii la soo dhaafay waxa uu Cali Wardheere C/raxmaan u Magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *