Xiliga ay dhacayso doorashada Galmudug oo la shaaciyay

Muqdisho | QOL | Abriil 27, 2017 – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhacayso 30-ka bishan April.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay iney ku dhaqmayaan heshiiskii Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo dhigayey in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qabto 30-ka bishan April.

Maxamed Xasan Geelle ayaa hoosta ka xariiqay iney ku dhaqmayaan heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka oo ahaa in wadahadalada Galmudug iyo Ahlu Sunna lasoo gabagabeeyo 24kii bishan,wuxuuna tilmaamay inaan markale dib loo dhigi doonin Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *