Maamulka Koonfurgalbeed oo sheegay in ay dhawaan lawareegi doonaan deeganada ay ka arimiyaan Al-shabaab

Muqdisho | Abriil 24, 2017 – Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xaalad adag ay heysato Shacabka ku nool degaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay go’doomiyeen degaano badan oo ka tirsan gobolada ay Maamulaan Maamulka Koofur galbeed.

Waxa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo furi lahaa Wadooyinka Xeran isla markaana ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay dhawaan in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *