Axmed Madoobe oo ka hadlay sida uu yahay Xiriirka DFS & Maamul Goboleedyada

Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Hogaamiyaha maamulka Juballan Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhexeeya Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in xiriirka labada dhinac uu yahay mid aad u sareeya, waxa uuna tilmaamay inay jirto wada shaqeyn muuqata oo ka dhexeysa.

Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale, sheegay in labada dhinac ay ka wada hadlaan mar waliba arrimaha ammaanka, maadaama Dowladda Federaalka iyo Maamulada Hoose ay Dagaal kula jiraan Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ahmiyad gaara ay labada dhinac u leedahay xoojinta xiriirka waxa uuna cadeeyay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta.

Haddalka Hogaamiyaha ayaa kusoo beegmaaya xili aad looga deyrinaayay xiriirka dowlada kala dhexeeya maamulada dalka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *