Somalida Uganda ku nool oo lagu War-galiyay in ay soo Diiwaan-galiyaan Kaararkooda ku Hadalka

Muqdisho, Abriil 19, 2017 – Dhammaan Dadka Ku nool Dalka Uganda waxaa la amray in ay dib u diiwaangaliyaan Numberada Taleefanada ay isticmaalaan. Amarkan oo kasoo baxay dowladda waxaa la qaatay shirkadaha isgaarsiinta oo markiiba hirgeliyay.

Qofka taleefan numberkiisa marku dib u diwaangelinayo waxaa laga rabaa aqoonsi iyo xog shakhsiyadeed, oo noqon karta tixraac shakhsiyadeed.

Dib u diiwangelinta taleefanada Asbuucyadan waa ka socotay Uganda , wakhtiga kama danbeysta ahna waa 20-ka April, xiligaasi hadii lagaaro cidii aan isdiiwaangalin Numberada wey ka xirmayaan.

Soomaali badan oo ku nool dalka Uganda oo u badan ardey ayaa hada safaf dhaadheer ugu jira, shirkadaha isgaarsiinta si ay markale isu diiwaangeliyaan.

Amarkan waxaa lasoo rogay kadib markii la ogaaday in dilkii Afhayeenkii Booliiska dalkaasi loo adeegsadey, Number-da Taleefano aan diiwaan gashneyn.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *